U bood dhigaalka

Shirkii Baarlamaanada Adduunka oo Lagu Dhiiri Geliyay Dhallinyarada iney Hormuud u Noqdaan Baarlamaannada Dunida

Sheeko:Baarlamaanka

Dalka Zambia waxaa maanta lagu soo gabagabeynayaa kalfadhiga 134aad ee midowga Baarlamaanada Adduunka, kaas oo sanad kasta lagu qabto dal ka mid ah dalalka Caalamka.

kulankan ayaa waxa uu soo bilowday Sabtidii 19 Marso iyadoo loogu talagalay inuu socdo illaa 23 Marso oo ugu dambeyn lagu soo gabagabeyn doono hoolka shirarka  Zambia ee Muluugushi International.

Kalfadhiga 134aad ayaa inta uu socday lagu lafa guray qodobo ay ka mid yihiin, Dhallinyarada iyo ka qeyb noqoshada baarlamaanada dalalkooda, iyadoo la soo bandhigay daraasad ku saabsan dhallinyarada iyo baarlamaanka , iyadoo la ogaaday iney aad ugu yar yihiin baarlamaanada adduunka, 80% aaney jirin dhallinyaro da’doodu ka hooseyso 30 sanno oo ku jira baarlamaanada dunida, halka dalalka Sweden, Ecuador, Filand iyo Norway, laga helay 10% dhallinyaro da’doodu ka yar tahay 30 sanno oo ku jira baarlamaanada dalkooda, waxayna noqdeen dowladaha ugu badan ee dhallinyaroodu ugu badan tahay baarlamaanada adduunka.

Waxaa kale oo laga wada hadlay xoojinta iskaashiga caalamka, xal u helidda burburinta goobaha taariikhiga ah, xuquuqda aadanaha, ammaanka iyo nabadda.

Qodobka ugu muhiimsan ee goluhu aadka u gorfeeyay ayaa waxa uu ahaa xal u helidda aqoonsi siinta 230 milyan oo carruur ah oo aan dhalasho haysan, waana mid ka mid ah ayay yiraahdeen dhibaatada bani’aadamnimo ee qarniga 21aad, iyadoo baarlamaanada laga codsaday iney meel mariyaan sharciyo aqoonsi lagu siinayo carruurtaas oo qaarkood qaxooti ku ah dadal kale isla markaana aaney haysan, caafimaad waxbarasho, da’dooduna  ka yar tahay 5sanno.

Comors, Masar iyo Guyana ayaa noqoday xubnihii ugu danbeeyay ee kusoo biira IPU taas oo xubnaha guud ka dhigtay 170 dal, Masar ayaa golaha IPU ka mid ahayd xubnuu ugu horeeyay iyadoo ku biirtay 1924-tii, laakiin xubinnimadadeeda waxaa la xanibay sanadkii 2011 kadib markii dalkaas ay la wareegeen milatariga, hayse yeeshee 2015 ayaa markale baarlamaan la doortay ka hir galay, kadibna waxaa xayiraaddii saaneyd laga qaaday baarlamaanka Masar oo ugu danbeyn xubinimadiisii dib u helay.

Haddaba shirkan muhiimka ah waxaa Soomaaliya uga qeyb galay xildhibaanno illaa 5 xubnood gaaraya oo kala ah, Xil.Maxamed Cumar Dalxa, Xil. Abuukaate Daahir Xasan Cabdi, Xil.Maxamed Amiin Xasan Cabdullaahi, Xil.Cabdullaahi Xuseen (Coonka), iyo Xil.Aadan Maxamed Cali, iyagoo shirka ka soo jeediyay hadalkii ay ku lahayeen isla markaana soo bandhigay baahida Soomaaliya iyo hurumarka ka jira labadaba.

Ugu dambeyn shirka ayaa maanta lagu soo gabagabeynayaa Dalka Zambia iyadoo la filayo  iney ka soo baxaan qodobo aad muhiim u ah oo ku saabsan dhinacyada, Ammaanka, xuquuq aadanaha, da’yarta oo dunida lagu dhiirigeliyo iney siyaasadda  horseed u noqdaan.

Goobjoog News