U bood dhigaalka

Shirkii Baarlamaanka oo si Weyn looga Dooday Wax ka Bedalka Qodobka 10aad ee Sharciga Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay  Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga dooday wax ka dedalka Qodobka 10-aad ee sharciga  guddiga mdaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka.

Kulanka ayaa waxa uu ku astaysnaa kalfadhigga 8aad kulankiisa 5aad, waxaa soo xaadiray xubno gaaraya illaa 146 xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay goomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ajanadaha baarlamaanka la horkeenay ayaa  ka boonaa illaa sadex qodob oo kala ah: ansixinta wax ka bedalka Qodobka 10-aad ee sharciga lagu shisay guddiga mdaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka, Akhrinta 1aad Hindise sharciyeedka maareynta Maaliyadda, Akhrinta 3aad ee Hindise sharceyeedka Xanaanada Xoolaha.

Markii Ajandaha la ansixiyay ayaa xubnaha baarlamaanka ay dood ka yeesheen Ajandaha koowaad ee wax ka bedalka qodobka 10-aad ee shaciga guddiga madax banaan ee xuduudaha iyo federaalka.

Qodobkan 10aad ee sharciga guddiga ayaa ka hadlaya mudada xil-haynta guddiga, iyadoo faqraddiisa 3aad ay sheegayso in mudada guddigu ay ku eegtahay August 2016 oo ay isku wakhti yihiin baarlamaanka 9aad.

Guddiga arimaha gudaha ee baarlamaanka iyo wasaaradda arrimaha gudahay ayaa soo jeediyay in qodobka lagu bedalo in mudada kordhin loo sameeyo guddiga gaaraysa illaa 31.07. 2020, iyagoo ku sababeeyay mudada guddiga oo markii horeba wakhtigeeda ka dib dhacday iyo in shaqadii loo igmaday ay wali qabyo tahay oo waxbadan ka harsan yahay.

Dooddii xildhibaanada waxaa kasoo baxay sadex ra’yi oo kala duwan; Qeyb tiri waa in sida gudduga muddo kordhin gaaraysa 2020 loo sameeyo iyo Qeyb kale oo tiri xukuumadda xigta iyo siyaasadeeda ha loogu kaadiyo, iyo Qeyb sadexaad oo tiri halsanno haloo kordhiyo kadibna xukuumadda xigta ha la jaanqaadaan.

Markii dooddu xildhibaanadu ay soo dhamaatay ayaa loo baahday in xildhibaanadu u codeeyaan oo ay ogolaadaan ama ay diidaan, laakiin waxaa loo waayay Kooram lagu anxiyo oo 121 xildhibaan oo kaliya ayay noqdeen xildhibaanada goobta ku soo hartay, sidaa daraadeed waxaa loo baahday in xilli kale oo kooram la heyo ajandahaa loo codeeyo.

Dhanka kale baarlamaanka ayaa Akhrita 1aad mariyay hindise sharciyeedka maareynta maaliyadda, waxaana soo jeedinta sameeyay wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim Fargeyte, kadibna waxaa sharciga lagu wareejiyay guddiga maaliyadda ee baaralmaanka.

Sidoo kale waxa uu baarlamaanku  Akhrintii 3aad mariyay sharciga xanaanada xoolaha, oo ay u  harsan tahay oo kaliya in la meel mariyo oo loo codeeyo.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha baalramaanka Soomaaliya ayaa xubnaha baarlamaanka ku adkeeyay iney maanta Sabtiga ah ee 30 bishan April ay soo wada xaadiraan xarunta baarlamaanka oo uu ku ballan san yahay Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid oo xubnaha horkeenaya qorshaha xukuumadda ee doorashda 2016.

Goobjoog News