U bood dhigaalka

Shirkii Brussels Iyo Lacagihii Lagu Yaboohay

Sheeko:Dalka


Magaalada Brussels waxaa ku dhammaaday shir si gaar ah looga hadlayey arrimaha ganacsiga Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay wasaaradda ganacsiga DFS, ganacsato Soomaaliyeed, kuwo ajaaniib ah, dowladanaha daneeya maalgashiga Soomaaliya, iyo Bangiyo.

Shirka 2-bada maalmood Brussels uga socday Soomaalida waxaa ka soo baxay war murtiyeed ka kooban 82 qodob kuwaas oo ka hadlayey arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo Banii’aadnimada.

Haddaba dowladaha daneeya arrimaha Maalgashiga Soomaaliya ayaa waxay ku yabooheen lacago loogu deeqayo dalka waxaana ka mid ah wadamadaas.

Midowga Yurub waxaa uu ku yaboohey £200 Milyan oo Soomaalida la siinayo iyo £144.2 oo lagu taageerayo howlgalka Amisom. Yurub waxaa ay Soomaaliya siisay 2015-2018 lacag dhan £3.7 Bilyan. Dalka Sweden waxaa uu shirka ka balan qaadey inuu Soomaaliya siin doono 5ta sano ee soo socota $350 milyan.

Sidoo kale waxaa jira €89 million oo midowga Yurub ugu talo galeen arrimaha banii’adnimada.

Goobjoog News