U bood dhigaalka

Shirka Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Oo Maanta Dib Uga Dhacay

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah waxaa lagu waday in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka, kaasi oo looga hadli lahaa arrimo badan, balse maanta dib ayuu uga dhacay.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa saxaafadda u sheegay isaga oo ku sugan garoonka Aadan Cadde in shirka uu furmi doono 29-ka bisha oo Axadda berri ah ku beegan.

Sababta uu maanta shirkaan dib uga dhacay ayuu ku sheegay wasiirka maadaama weli madaxda maamul goboleedyada aysan wada imaan magaalada Muqdisho oo kuwa harsan imaan doonaan saacadaha soo aadan.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan madaxda maamullada Galmudug iyo K/galbeed, waxaana la sugayaa iney yimaadaan madaxda kale ee maqan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkaan u ballamiyey in maanta oo 28-ka October ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasi oo la doonayo in looga hadlo arrimo badan oo dalka quseeya.

Goobjoog News