U bood dhigaalka

Shirkii Garoowe Uga Socday Dowladda Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Oo Fashilmay

Sheeko:Dalka

Shirkii wadatashiga ee Garoowe uga socdey dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ayaa fashil ku dhammaaday.

Shirkan oo socday muddo 6 maalin ah ayaa lagu waday in looga hadlo arrimaha dastuurka, doorashada, qeybigsiga kheyraadka iyo arrimo kale.

Shirka ayaa sidoo kale lagu waday in lagu dhiso gole iskaashi oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirka waxaa horay uga tagay madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Galmudug Axmed Geelle Xaaf, waxaa kale oo baxay qaar ka mid ah wufuudda maamul goboleedyada qaar. Ra’isul wasaare qudhiisa waxaa uu soo baxayaa daqiiqadaha soo socda.

Arrimaha fashilka soo dedejiyey waxaa ka mid ahaa khilaaf soo kala dhex galay madaxda dowladda federaalka ah iyo Galmudug kaas oo la xiriiray muddada xil-heynta. Dowladda federaalka ah ayaa rabtay in 2 sano loogu daro halka Xaaf uu ku adkeytay ilaa 2021-ka.

Arrimaha kale ee fashilka keenay waxaa ku jiray faragelin la sheegay in dowladda dhexe ku sameysay Jubbaland kadib markii 4 qof ku dhaawacmeen qalalaaso ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Goobjoog News