U bood dhigaalka

Shirkii Maaliyadda Dalka oo Kismaayo lagu Soo Gaba-gabeeyay

Sheeko:Dalka, War

Waxaa magaalada Kismaayo ee caasimadda dowladgobaleedka Jubbaland maanta lagu soo gaba-gabeeyay shirkii wasiiradda maaliyadda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ,waxaana gabagabada shirka wasiiradu ay ku heshiiyeen sii xoojinta dib-u-habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Shirkan wasiiradda maaliyadda dalka iyo maamulka gobolka Banaadir oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu socday diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira maaliyadda dalka.

Shirkan ayaa daba socday shir lagu qabtay Bishii November 23-keeda magaalada Kampala ee dalka Uganda oo looga hadlayay kobcinta dakhliga iyo arrimo la xiriira deyn cafinta.

Hoos ka aqriso war saxaafadeedka Shirka:

Goobjooog News