U bood dhigaalka

Shirkii Madasha Ee Ka Socday Muqdisho Oo Lagu Kala Tegay Natiijo La’aan

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii Lixaad ka soconayey shirka madasha Wadatashiga qaran,  kaasi oo looga hadlayey arrimo la xiriira doorashooyinka la filayo in  dalka ay ka dhacaan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hoggaamiyeyaashii ku shirsanaa magaalada Muqdisho ay shirka ku kala tageen iyadoo saxaafadda aan loo shaacin natiijada shirka kasoo baxday.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka amba baxay magaalada Muqdisho, isagoo lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Sidoo kale waxaa iyana magaalada ka tagey madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxda ayaa la sheegay in ay isku mari waayeen arrimo ku aadan aqalka sare, iyadoo ay shirka ku kala tageen natiijo la’aan.

Warar soo baxayey ayaa sheegayey in goor hore oo saakay ay shirka isaga baxeen madaxweyne Gaas iyo xubnaha uu hoggaaminayey.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News