U bood dhigaalka

Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran Oo Maanta War-murtiyeed Laga Soo Saaray (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu soo xiray shirkii madasha Wadatashiga Qaran ee dhowaan ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasi oo laga soo saarey War-murtiyeed.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray shirkaan, waxaana goobta ku sugnaa Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, laakiinse goobta kuma aanu sugneyn madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Shirka intii uu socday waxaa lagu magacaabey guddi amniga oo madaxweyne Xasan Sheekh Guddoomiye looga dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka hadalka shirkan madasha usoo dhammaaday iyo sida madaxda Soomaalida uga go’aan tahay in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo.

Waxaa xusid mudan in madaxda Madasha ay aad ugu doodeen inta shirka uu socday arrinta aqalka sare, waxaana jirtay kala aragti duwanaansho dhexdooda ah, taas oo keentay in madaxda maamullada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay dib ugu laabtaan deegaannadooda.

Goor dhow waxaan idiin soo gudbin donnaa War-murtiyeedka shirka madasha laga soo saaray.

m3 m2 m1

Goobjoog News