U bood dhigaalka

Shirkii Madaxda IGAD Oo Ka Furmay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirka madaxda wadamada ku bahoobay IGAD, kaasi oo  looga hadlayo arrimo dhowr ah oo gobolka ku saabsan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah shirkan u furay.

Waxaa socda qudbadaha ay jeeniyanaa madaxda ka qeybgalaysa shirkan, iyadoo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya hadal uu goor dhow ka jeediyey shirka ku amaanay Soomaaliya horumarada ay sameysay.

Madaxda shirkan ka qeybgaleysa waxaa ka mid ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladdiisu shirkan martigelinayso, Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Uganda, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiin matalaya Sudan iyo Jabuuti.

Waxaa xusid mudan in diyaaraddii sidday madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ay soo cago dhigan weysay garoonka Aadan Cadde cillad dhanka diyaaradda ah, dibna ugu laabatay dalka Jabuuti.

Amniga guud ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana magaalada oo dhan lagu soo daadiyey ciidamo ammaanka sugaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News