U bood dhigaalka

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo IMF oo Soo Gabagaboobay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta soo gabagaboobay kulamadii Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hey’adaha dhaqaalaha Adduunka ee arrimaha deyn cafinta oo maalmahaan u socday labada dhinac,

Kulankii ugu danbeeyay ee maanta oo Madaxweynaha uu ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxa ay  la yeesheen Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika, iyagoo kawada hadalay arrimo dhaqaalaha.

Team ka AFDB, Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxweynaha ayaa waxaa maanta aad iyo aad loogu gorfeeyay  sii wadidda howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Bangiga ee Soomaaliya oo xiligaan ay ka jiraan  abaaro iyo xaalado kale.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhankiisa u ballan qaaday in Dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhameystirka howlaha deyn-cafinta dambaysay, taas oo ay soo waday dowladdii isaga ka horaysay oo soo gaarsiisay meesha ay hadda taagan tahay.

Goobjoog News