U bood dhigaalka

Shirkii Qaxootiga Soomaalida Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Nairobi

Sheeko:Dalka

Shir madaxeedka IGAD oo looga hadlayey arrimaha qaxootiga ayaa lagu soo gabagabeeyay dalka Kenya,

Shirkan uu  shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia  ayaa laga soo saarey dhowr qodob:

Hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ay isla garteen in dadka Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah dalalka gobolka kuwo doonaya in ay dalkooda ku laabtaan laga caawiyo isla markaana aan la qasbin dadka qaxootiga ah.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo ahaa shir guddoonkii maanta ayaa sheegay  in haddii la doonayo in ay wax la qabto dhibaatada qaxootiga ay tahay in xooga la saaro sidii loo xaqiijin lahaa nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Isagoona xusay in shirkan uu ku soo aaday waqtigii ugu haboonaa ee wax laga qaban karey dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa IGAD uga mahadceliyay  nabadeynta Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay horumar balaaran sameysay isla markaana loo baahan yahay in wadamada gobolka iyo guud ahaan Caalamka looga baahan yahay in ay garab istaagaan dadka iyo dowladda Soomaaliya si guulahaas la gaaray aan loo kala dhantaalin.

Shir madaxeedka galabta Nairobi lagu soo gabegebeeyay ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay madaxweniyaasha dalalka; Uganda Yoweri Museveni, Suudaanta koofureed  Salva Kiir, Jabouti Ismaïl Omar Guelleh iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Suudaan Hassabo Mohamed Abdulrahman.

Akhris: Wareysi gaar ah oo Goobjoog New la yeelatay guddoomiyaha dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliya oo shirka ku sugaan.

Faah-faahinta arrimaha shirka iyo tilaabada xigta ee la qaadayo, Kala soco, Goobjoog News