U bood dhigaalka

Shirmadaxeedka Trump Iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un Oo Lagu Qaban Doono Singapore

Sheeko:Dalka

Shirmadaxeedkii ugu horreeyay ee hoggaamiyeyaasha Kuuriyada waqooyi iyo Mareykanka ayaa lagu qaban doonaa 12 June ee soo socota Singapore, sida uu sheegay Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Khamiistii war uu ku qoray Tweetar-kiisa waxaa uu ku yiri “Waxaan isku dayi doonnaa labadeednna in aan dunida u horseedno nabad-gelyo Taariikhi ah”.

Goobta lagu qabanayo Shirmadaxeedka ayaa saacado ka dib uu sheegay Trump ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay sii deysay saddex Maxbuus oo u dhashay Mareykanka,kuwaasi oo gaaray Mareykanka.

Siideynta saddexdan Maxbuus ayaa timid intii uu kugada jiray xogheyaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo booqasho uu ku tagay Pyongyang, taasi oo u jeedkeedu ahaa in uu  faahfaahin ka bixiyo kulanka dhexmarayo Trump iyo Kim Jong-un .

Trump ayaa caalamka kaa yaabsaday bishii April markii uu aqbalay kulanka Martiqaadka ee Kim Jong-un, dhacdadaas ayaa noqotay mid aan horay u dhicin.

Labadaan nin ayaa horay isku weydaarsaday Aflagaado iyo hanjabaad, horumarka is afgaradka ayaa yimd ka dib markii wadahadal muhiim ah ay la yeelatay Kuuriyada Koofureed Kuuriyada Waqooyi.

Singapore ayaa horay u marti-gelisay Munaasabado iyo kulamo diblomaasiyadeed oo heer sare ah.

Sanadkii 2015, ayaa dowladdaan yare ee ku taallo Koofur bari ee Aasiya waxaa lagu qabtay wadahadalladii Taariikhiga ahaa ee Shiinaha iyo Taiwan.

Mareykanka iyo Singapore ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir adag, halka Singapore ay xiriir diblomaasiyadeed ay laleedahay Kuuriyada Waqooyi.

Goobjoog News