U bood dhigaalka

Shirwac “Shaki Weyn Baa Laga Qabaa In Doorashada Waqtigeeda Ku Dhacdo”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo u waramay Goobjoog Fm ayaa ka hadlay shirka madasha Wadatashiga qaran ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho iyo rajada laga qabo in doorashada ay waqtiageeda ku dhacdo.

Waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliyeed ka rajeynayaan in wax walbo ay ku fuliyaan sidii horay loo ballan qaaday, isaga oo rajo ka muujiyey in shirkaan natiijooyin wax ku ool ah kasoo baxaan.

“Waxaan rajeyneynaa in talo wanaagsan oo Soomaali anfacda madaxda ay gaaraan, wixii talo ah ee aan qabnay waxna iyaga ayaan la wadaagnay waxna warbaahinta, waxa socda talo kuma lihin laakiin waxaan rajeynaynaa wixii kasoo baxay inay noqdaan talo Soomaalida oo dhan anfacda, madaxda howl adag baa u taalla, shaqadii oo ay daahiyeen, waqtigii shaqada la qaban lahaa oo shir ku dhammaaday, waxaan rajeynaynaa in ay sheegaan waqtiga doorashada la galayo”

Guddoomiye Shirwac ayaa sidoo kale sheegay in dadka qaar ay ka walaacsan yihiin waqtiga sii socda iyo jadwalkii doorasho ee aan billaaban.

“Dadka aad bay u walaacsan yihiin waxay arkayaan waqtigii oo gabaabsi ah, madaxda waxa looga fadhiyaa ayaa ah in ay keenaan talo wax anfacda oo dadka walaaca ka saarta, inay keenaan sidoo kale doorasho xalaal ah oo cidna ku shuban, waana la gaari karaa, madaxda Soomaaliyeed waxaa looga bartay inay is khilaafaan oo waqti ku cunaan, waxaa kaloo laga walaacsan yahay haddii waqtiga ku daraan sidee laga yeelayaa hay’adaha waqtigooda dhammaaday”

Ugu Dambeyn Shirwac ayaa sheegay in shaki weyn laga qabo in doorashada 2016 ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

“Shaki weyn ayaa laga qabaa in doorashada sidii loo sheegay iyo waqtigeeda ku dhacdo, waa in doorashada waqti loo qabto oo madaxda ka dhabeeyaan wixii ay horay u sheegeen”

Maanta magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shirka madasha wadatashiga qaran, waxaana looga arrimo dhowr ah oo doorashooyinka ka mid yihiin.

Goobjoog News