U bood dhigaalka

Shirwac “Walaac Baan Ka Qabnaa Qaabka Mooshinka Uu u Socdo”

Sheeko:Dalka

Jilayaasha aan dowliga ahayn ee SOSCENSA ayaa sheegay in walaac ay ka qabaan hanaanka hadda loo wado mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gudoomiyaha SOSCENSA Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo maanta ka qeybgalay barnaamijka Jimcaale ee Goobjoog Fm, ayaa sheegay in mooshinka hadda laga weeciyay wadadii sharciga ahayd.

Waxa uu sheegay in markii hore ka bulsho ahaan ay qabeen aragti ah in xilligaan aanu habooneen mooshinka laga keenay madaxweynaha, waxaana dhinaca kale uu sheegay in hadda ay kasii dartay markii ay maqleen in guddoonka baarlamaanka uu gaaray go’aan ay lahayd maxkamadda.

Shirwac ayaa ka digay in siyaasadda hadda socoto ay isku bedasho mid fowdo ah, islamarkaana la doonayo in mooshinka la marsiiyo nidaamkiisa.

“Mooshinka lama marin nidaamkii sharciga ahaa, walaac badan baa yimid, mooshinkaan waa mid siyaasadeed, waxaan daneynaynay in sharciga lagu kala baxo, laakiin hadda arrintaasi ma muuqato” ayuu yiri Shirwac.

Dhawaan guddonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa go’aan ku gaaray in wada hadal laga galayo mooshinka ka dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo keentay in xildhibaanno badan ay kasoo horjeestaan.

Goobjoog News