U bood dhigaalka

Shirweynaha Dib u Eegista Waxbarashada Puntland Oo Ka Socda Garoowe

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa ka soconaya shirweynaha dib u eegista waxbarashada Puntland oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Ulajeedka shirkan ayaa ah in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka waxbarasho ee Puntland iyo sidii loo mideyn lahaa imtixaanka guud ee dalka.

Wasiirka waxbarashada Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la mideeyo imtixaannada Soomaaliya, maadaama Puntland imtixaankeeda si gaar ah loo qaadi jirey.

Ardayda ka qalin jabisa dugsiyada sare ee Puntland ayaa qaata shahaadada dowladda Soomaaliya, sidaasi darteedna waxaa lama huraan noqotay in lasoo jeediyo in la mideeyo imtixaanada.

Shirkan oo Sanadle ah ayaa noqonaya kiisa Afaraad oo lagu qabto magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Goobjoog News