U bood dhigaalka

Shirweynaha Madasha Xisbiyada Qaran Oo Maalintii 2-aad Galay

Sheeko:Dalka

Waxaa maalintii 2-aad galay shirka “Madasha xisiyada Qaran”  ee ka socday magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya in ka badan 10 xisbi siyaasadeed.

Madasha waxaa ay xisbiyada ku dhiseen hoggaan sare iyo xogheyn joogta oo ka arrinsada xaaladda dalka Soomaaliya.

Xisbiyada ugu muhiimsan ee ku jira waa: Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale, waana xisbiyo loolan adag ugu jira doorashada 2020-ka.

Waxaa hoggaan ama gole dhexe noqon doona guddoomiyeyaasha xisbiyada qaranka, sidoo kale waxaa ay yeelan doonaan qorshe cad, ujeedkoodana waa iney la xisaabtamaan dowladda federaalka ah.

Madaxda joogta waxaa ka mid aha madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamud iyo madax kale oo ay ku jiraan xildhibaanno labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah iyo madaxda xisbiyada.

Goobjoog News