U bood dhigaalka

Shirweynaha Qaran Ee Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Ka Furmay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo socon doona Laba maalin.

Shirkaan waxaa maanta furay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirshiid Cali Sharmarke, waxaa ka qeybgalay wasiiro ka mid ah xukuumadda Soomaaliya, iyadoo ay shirayaan 100 dhallinyaro oo ka kala yimid gobalada dalka Soomaaliya.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Nuux oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in shirkani uu muhiim u yahay dhallinyarada Soomaaliyeed, laguna baadi goobayo siyaasad mideysan oo dhallinyarada ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka in shirkaan looga hadli doono arrimo dhowr ah oo quseeya dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo shirkaasi furay ayaa sheegay in maalin farxad ah ay tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay aayahooda ka tashanayaan islamarkaana shir uga furmay magaalada Muqdisho.

Wx auu Ra’iisul wasaaraha rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkaan ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.

Shirka qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed uga furmay magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeyn doonaa maalinta berri oo Sabti ah.

Goobjoog News