U bood dhigaalka

Shirweynaha Qaran Ee Dib u Eegista Dastuurka Oo Maalintii Labaad Ka Soconaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii Labaad ka soconaya shirweynaha qaran ee dib u eegista qaranka, kaasi oo ay ka qeybgalayaan xubno ka socda DFS, maamul goboleedyada iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Furitaanka shirkan waxaa shalay ka qeybgalay madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya sida guddoomiyeyaasha Labada aqal ee baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha iyo marti sharaf kale.

Ulajeedka shirkan ayaa ah ka doodista qabyo-tirka dastuurka KMG ee dalka u yaalla iyo sidoo kale ka hadlidda waxyaabihii laga soo qabtay dastuurka.

Maalinta berri ah oo ku beegan 15 May ayaa shirkan lagu soo gabagabeyn doonaa magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News