U bood dhigaalka

Shirweynaha Qaran Ee Dib u Eegista Dastuurka Oo maanta Ka Furmay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweynaha qaraxan ee dib u eegsita dastuurka, waxaana ka qeybgalay furitaankiisa madaxda DFS iyo dadweyne badan.

Guddoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiyaha aqalka sare C/xaashi, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali, 300 qof oo ka dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ka yimid iyo mas’uuliyiin kale ayaa shirkaan ka qeybgalay.

Shirkan ayaa socon doona illaa 15-ka bishan May, waxaana looga hadlayaa inta uu socdo qabyo-tirka dastuura iyo arrimo  kale oo isla dastuurka ah.

Maamul goboleedka Jubbaland ayaan ka qeybgaleyn shirkaan sabab la’aan, iyadoo ay joogaan maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.

Dhammaan madaxdii halkaasi ka hadashay ayaa sheegay in muhiim yahay in la dhammeystiro dastuurka dalka u yaalla, lagana saaro qabyada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News