U bood dhigaalka

Shirweynaha Saxaafadda Somaliland Ayaa Ka Furmay Hargeysa

Sheeko:Dalka

Shirkan oo laba maalmood socondoona ayaa waxaa ka soo qayb-galay ku dhawaad boqol saxafi oo ka kala socday dhammaan gobollada Somaliland. Sidoo kale, waxa kulankan kasoo qayb-galay xubno ka socday axsaabta siyaasadda, ururada bulshada iyo madaxda Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo iyagu soo qaban-qaabiyay kulankan.

Ugu horrayn, waxa ka hadlay kulanka Agaasimaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Yaxye Maxamed Cabdi (Xanas) oo ka warbixiyay waxyaabihii sanadkan u qabsoomay Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA iyo ujeedada shirkan. Waxaana uu sheegay Agaasime Yaxye in ujeedada shirkan ay tahay sidii ay isaga war hayn lahaayeen weriyeyaasha ku kala sugan gobollada dalka iyo abaalmarinta Cawke Award oo sanad walba ay ku tartamayaa weriyeyaasha Somaliland ka hawlgala.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ayaa isna ku dheeraaday muhiimmada ay leedahay in la helo weriye xirfad leh iyo dedaalka ay ugu jiraan SOLJA ahaan sidii loo tayayn lahaa khibrada saxayiyiinta dalka. Sidoo kale Xuuto waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland looga baahan yahay kor u qaadida aqoonta weriyeyaasha.

Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar kamid ah weriyeyaasha ugu waawayn Somaliland oo ay ka mid yihiin Maxamuud Cabdi Ducaale oo ka waramay taariikhdii Weriye Axmed Xasan Cawke iyo Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo isna ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay warbaahinta Somaliland.

Ugu dambeyntii, waxa kulanka  khudbad ka jeediyay Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ah guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, isagoona sheegay in warbaahinta Somaliland looga baahan yahay tebinta warar dhex-dhexaad ah iyo gudbinta xaqiiqada, waxaanu hadalkiisi sii raaciyay  in qaar ka mid ah warbaahintu ay la kala safatay kooxo iyo xisbiyo gaara taasina ay dhaawac ku keeni karto madaxbannaanida saxaafadda Somaliland.

Goobjoog News