U bood dhigaalka

Shirweynaha Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed Oo Ka Furmay Magaalada Baydhabo (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaa maanta oo Sabti ah ka furmay shirweynaha qaran ee Xeer ilaaliyeyaasha qaranka.

Shirkan oo socon doona illaa 23-ka bishan ayaa waxaa ka qeybgalaya, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yusuf Axmed, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo sidoo kale xeer ilaaliyaal ka kala socda dowlad goboleedyada dalka.

Inta shirkan uu socdo ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ku aaddan xoojinta xiriirka xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, wadashaqeyntooda iyo arrimo kale oo muhiim ah.