U bood dhigaalka

Sida Lagu Kala Saaro Wararka Runta ah iyo Kuwa Kale ee Beenta ah

Sheeko:War

“BBC News” ayaa soo daabacday in culumo ka tirsna jaamacadda Cambridge University ee Britain ay heleen waddo dadka akhristayaasha ah ay ku kala sooci karaan wararka xaqiiqada ah iyo kuwa been abuurka ah ee bulshada lagu dhex faafiyo.

Xilligan aan ku jirno ee Internet-ka iyo shabakadaha ay bulshadu ku wada xiriirto  waxaa caado noqotay in warar badan oo been ah dadka lagu dhex faafiyay iyadoo danta laga leeyahay tahay in lagu soo jiito akhristayaal farabadan, ra’yiga dadweynaha lagu marin habaabiyo, hadaba waxaa dhibaato noqotay oo fududaan weyday sida loola tacaalayo wararka jahwareerka bulshada ku keenaya ee run iyo been ay ku kala saari waayeen, iyadoo ay jirto in khubarada arrimaha bulshadu ay arrintan xallinteeda ku mashquulsan yihiin.

Saameyn xun oo ay wararka been-abuurka ahi ku reebaan bulshada ayaa mararka qaar gaara heer aan la mahdin oo si taban u saameynaysa dadyowga dunida.

Hadaba  culumo ka mid culumada cilmi nafsiga  oo ka mid ah jaamacadda Cambridge ayaa waxay sameeyeen tijaabo cilmi baaris ah oo ay ka qeybgaleen 2-kun oo qof si loo helo waddo dadku ay ku kala sooci karaan wararka beenta ah iyo kuwa dhabta ah.

Inta tijaabadani socotay ayaa culumadan wax baaraysay ay warar been ah oo ay ku jiraan magacyo aan la fahmi karin ku shaaciyeen dadkii ay tijaabadu ku socotay, waxaana u soo baxday in dad badan oo ka mid ah dadkii tijaabadu ku socotay  wararkaas ay saameyn ku yeesheen.

Hadaba sida wararka been-abuurka ah saameyntiisa lagu yareyn karo waxay xalka ka heleen in la faafiyo warka saxda ah, arrintaasi waxay keenaysaa iney dadku raadiyaan sida saxda ah oo ay wax u jiraan isla markaana ay beenta ka daba tagaan.

Haddiise wararkaa beenta ah laga aamuso waxaa imaneysa iney gaaraan meelo aan horey looga fileyn iney gaari karaan, maadaama dadka intiisa badani ay iska rumeystaan waxwalba oo loo sheego.

Mid ka mid khubaradan tijaabooyinka sameysay ayaa waxa uu yiri, fikradda ah in la raadiyo waddo dadka akhristayaasha ah lagu taageero si ay u kala soocaan warka beenta ah iyo kan kale, waxay noqotay lagama maarmaan si dunida looga soo afjaro wararka been-abuurka  ah ee sida “virus-ka” oo kale u faafaya wakhtigan aan joogno.

Goobjoog News