U bood dhigaalka

Sidee Aqoonyahanka iyo Axsaabta Uga Hadleen Warkii Madaxweyne Yoweri Museveni?

Sheeko:Amniga

Aqoonyahanno iyo axsaab siyaasadeed oo ka hadlay waxa uu ka dhiganyahay warkii Yoweri Museveni ee ahaa in Soomaaliya ay ku jirto dalalka aanan laheyn maamul iyo dowladnimo dhab ah ayaa intooda badan sheegay inuu ku saxnaa balse qaarkood ayaa intaasi ku daray in laga fiicnaa hadalkiisa dambe oo tusineysa qiimo dhac iyo in dalalka uu ka xishoodo aaney ku jirin Soomaaliya.

Axmed Cumar Gaagaale oo ah guddoomiyaha xisbiga xuriyadda Soomaaliyeed oo arrintan aan ka wareysaney ayaa yiri “Yoweri Museveni, waa madaxweyne khabiir ah, waxaa uu arkay in shaqada dowladnimada Soomaaliya aaney u socon sidii la rabay, calaamooyin dowladnimo aaney jirin”.

Gaagaale oo sii-hadlaya ayaa waxaa intaasi raaciyey “Xumaan ma aha hadalka madaxweyne Yoweri Museveni, waxaan u arkaa guubaabo, wax laga caroodo ma aha”.

Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame, oo isna ka hadlay waxa uu ka dhiganyahay hadalka Yoweri Museveni ayaa yiri “Waa saxan yahay hadalka Museveni, dalkan ciidamadiisa waqti badan ayey joogaan, halgan ayuu u galay inuu dhiso Soomaaliya, ciidamada ugu badan ee jooga isaga ayaa leh, difaaca dalkana u dhinteen, xilligan waxaa ay rabeen abaal sheegad, ninkan madax walbo ayuu la sheekeystay, laakin hadda meeshan inay maran tahay ayuu arkay. Uganda haddii aaney joogteen dowladnimadan yar maba jirteen, intii la dhihi lahaa lacag ayey qaataan ha laga shaqeeqo siyaasad ay ciidamada shisheeye ku baxaan, oo hala dhiso ciidamo qaran”.

Waxaa sidoo kale jiray aqoonyahan la hadlay Goobjoog News oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso iyaga oo sidoo kale difaacay hadalka Yoweri Museveni, kuna dooday in aanu aheyn shakhsi Soomaaliya xummaan la rabo marka la fiiriyo shirarka uu qabtay, ciidamada uu u soo diray, oo AMISOM lagu dul dhisay, isaga oo ahaa hoggaamiye Afikaan kii ugu horeeyey ee Muqdisho yimaada iyo arrimo kale.

Mid ka mid ah aqoonyahankaas ayaa sheegay inuu  Yoweri Museveni qalad ku galay markuu dhahay dalal kale waxaan uga tagayaa sababo diblomaasiyadda awgeed, taasi oo muujineysa inuusan Soomaaliya ka xishoon.

Dhammaan inta la hadashay Goobjoog News waxaa ay qabaan in la gaaray xilligii hurdada laga kici lahaa, la dhisi lahaa ciidamo qaran oo hanta amniga, lagana shaqeeyo siyaasad amni iyo inay ciidamada shisheeya ka baxaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni  oo isniintii ka hadlayey shir ku saabsanaa garsoorka dalkiisa  ayaa yiri ‘Dalal badan oo waxaa jira aaney ka jirin dowladnimo, waa iska jiraan ee ma laha maamul dhulka ka wada taliya, Soomaaliya ayaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa. Kuwoo badan ayaa jira laakin ma sheegayo sababo diblomaasiyadda awgeed”.

Goobjoog News