U bood dhigaalka

Sidee Caloosha Loogu Diyaariyaa Maalinta Ciidda?

Sheeko:Dalka

Maalmo yar oo kooban ayaa inaga xiga ciidda, iyadoo calooshu ay la qabsatay in labo waqti oo Afur iyo Suxuur oo kaliya ah in wax la cunto, waxaa kordha acid ka caloosha marka nidaamka cunnadu uu is bedelo Soonka kadib, haddii aan la isku diyaarin.

Hadabawaxaan akhristayaasheenna usoo gudbineynaa talooyin ku aaddan habka cunno caafimaad loo isticmaalo maalinta Ciidda, si looga dhowrsado mushkiladaha habdhiska dheershiidk ee dibirada iyo calool majiirka ay ka midka yihiin.

Dr. Maxamed Khlaadi al-Manbawioo ah professor dhanka cunnooyinka khabiir ku ah isla markaana ku takhasusay caafimaadka caruurta kana tirsan xarunta Ummadda ee cilmi-baarista dalka Masar ayaa waxa uu sheegay isbedelka ku dhaca nidaamka cunnada iney ka dhalato dhibaatooyin dhanka dheefshiidka ah oo farabadan.

Waxa uu intaa sii raaciyay, Ramadaan calooshu waxey la qabsataa cunno laba waqti ah, marka subaxa ciidda quraac la cuno, qofkii Soomanaan jiray waxaa laga yaabaa inuu is yiraahdo maanta waxwalba cun oo isticmaal cunno dufan leh oo sonkortu ku badan tahay iyo  kalluunka, taas oo keenaysa mushkilado dhanka dheefshiidka ah inuu qofkii dareemo.

Dr. MaxamedWaxa uu tilmaamayaa in subaxa ciidda ay tahay in lagu quraacdo raashin khafiif ah iyadoo guud ahaan xalwada iyo buskutkana la yareysanaayo, sonkorta iyo dufanka oo ku badan darteed, waa si aan calool majiir iyo acid ugu dhicin caloosha.

Waxa uu ku talinayaa inaan la cunin kalluunka subaxnimada ciidda, sababta oo ah waxaa ku badan cusbada oo dhiigga kicineysa, taas oo qofku u keenaysa inuu dareemo madax xanuun, beer xanuun iyo kalyo xanuunnaka calaamadahoodana uu isku arkayo.

Sidaas oo kale waxa uu ka digay in la badsado cabitaannada fudud, acids oo caloosha ku badaneysa darteed iyo carqalad ku imaaneysa in calcium ay sidii loo baahnaa u dagto lafaha.

Goobjoog News