U bood dhigaalka

Sidee Dalka Looga Xusay Xuska Munaasibadda 26-June

Sheeko:Amniga

Waxaa guud ahaan dalka laga xusay xuska munaasibadda 61-sano guuradii ka soo waregatay markii gobalada waqooyi ee dalka xurnimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska .

Munaasibada waaweyn oo lagu xusayo munaasibadda ayaa lagu qabtay magaaloyinka dalka, kuwaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta maamulada dalka .

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxaa xalay lagu qabtay munaasibad lagu xusayo sanad guuradii 61-aad ee ka soo wareegatay markii gobalada waqooyi ee dalka xurnimada ay ka qaateen gumeystihii Ingiriiska .

Munaasibaddaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweeynaha Somaliland, Guddoomiyayaasha golaha wakiilada iyo kuurtida Somaliland, Wasiira ka tirsan somaliland iyo mas’uuliyiin kale .

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaana salaan ka qaatay Calanka halkaas oo ay mas’uuliyiinta ka jeediyeen khudbado kale duwan oo ku aaddan halgankii loo soo maray xurnimada iyo sidii gumeystaha la isaga saaray.

Dhanka kale magaalooyinka laga xusay xuska munaasibadda 26-ka june waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka .

Maalmihii la soo dhaafay oo ay shacabka ku dhaqan caasimadda diyaar garow xooggan ugu jireen xuska maalmaha xuriyadda (26,27-june  iyo 1July), ayaa xalay waxaa munaasibad ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka lagu qabtay Madaxtooyada .

Munaasibadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Guddonka golaha Shacabka, Wasiiro ka tirsan xukuumada, xidlhibaano, Madaxweynaha koonfur galbeed marti sharaf kale iyo madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dhanka kale shacabka ku dhaqan Caasimadda ayaa dhankooda isku soo baxyo balaaran oo ay ku soo dhaweynayaan xuska maalinta 26-ka june ka sameeyay goobaha lagu damaashado ee magaalada Muqdisho.

Gobalada dalka ayaana dhankooda looga dabaal dagay xuska maalinta aan ka xurownay gumeeystihii ingiriiska ee dalka hay’san jiray .

Dhica kale Soomaalida ku dhaqan dalka dibadiisa ayaa si wayn u xusay xuska munaasibadda sanad guuradii 61-aad ee ka soo wareegatay markii gobalada waqooyi xurnimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Goobaha laga xusay munaasibadda ayaa waxaa ka mid ah Minnesota  ee dalka Maraykanka halkaas oo ay Soomaalida ku dhaqan ay ka sameyn isku soo bax balaaran oo loogu dabaal dagayo xuska xurnimada .

Sawirada Xuska iyo Farxadda Shacabka