U bood dhigaalka

Sidee Garoowe Loogu Soo Dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo?

Sheeko:Dalka, War

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe , madaxwayanaha waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxwayanaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo mas’uuliyiin kale.

 

Soo dhoweynta waxaa qeyb ka ahaa, shacab aad u badan kuwaasi oo waddooyinka u tagnaa iyagoo watay boorar ay ku dhegnayeen sawirada madaxwaynaha iyo calanka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo waxaa uu socod ku soo maray bartamaha magaalada Garoowe halkaasi oo ay ku sugnayeen boqalal shacab ah kuwaasi oo u diyaarsana soo dhaweenta madaxwayanaha.

Mr. Farmaajo ayaa intaasi kadib, loo gudbiyay madaxtooyda Puntland, isaga oo ka hadlaya socdaalkiisa waxaana uu yiri.

‘waxaan ku faraxsanahay imaatinkayga magaalada Garoowe, waan nalagusoo dhaweyay waxaana tagi doona magaalooyin badan oo Puntland katirsan inaga oo kawada hadli doono xoojinta nabada iyo dib u -hishisinta

Safarkan oo ahaa sida uu sheegay markii ugu horreysay uu madaxweynaha Garoowe tago ayuu ka mahadceliyay sida loo agaasimay dhoweyntisa.

Madaxwayanaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa isna sheegay inay soo dhowenayaan madaxwaynaha isaga oo sheegay in ay waxbadan wadaaagi doonan oo ka mid tahay xoojinta nidaamka dawladd nimada.

Waxaa lafilaa madaxwaynaha inuu tago magaaloyinka Boosaso, Qardho iyo meelkale isagoo halkaasi kula kulmi doono madaxda iyo bulshada.

W/D: Cabdiwahaab Maxamed Ibrahim, Garoowe