U bood dhigaalka

Sidee Ku Timid in Madasha Qaran ay Hal Xisbi iyo Hal Murashax Yeelato 2020?

Sheeko:Dalka

Shir muddo shan maalin uga socday dalka Turkiga mas’uuliyiinta madasha qaran ayaa ugu dambeyntii la go’aamiyey in madashu hal xisbi noqoto, isla markaana doorashada 2020-ka ay hal murashax yeeshaan.

Xisbiyada kulanka tagay, heshiiskana gaaray ayaa kala ahaa: xisbiga UDP ee Xasan Sheekh, Himilo Sheekh Shariif, Kulan Maxamed Siiriin, Horusocod oo Shariif Xasan iyo Cabdiweli Gaas ah, Ileys waa Cabdulqaadir Cosoble iyo Nabadda oo Maxamed Cabdi Gandhi uu hoggaamiyo.

Xisbiyadan siyaasadeed ayaa muddada uu shirku socday kudheeraaday arrimaha doorashada iyaga oo meel cad ka istaagay qabsoomidda doorashada 2020-ka iyo in aan shaki iyo hadal  marnaba la gelin karin.

Xisbiyadan ayaa cashar isu tanaasul ah u dhigay ilaa 78 xisbi oo hadda u diwaangeshan guddiga doorashooyinka qaranka iyaga oo lix xisbi ay go’aansadeen iney mideeyaan hoggaankooda, aragtidooda siyaasadeed iyo istaraatoijiyadooda ku aadan doorashada 2020/2021.

Ugu dambeyntii, waxaa la saaray ilaa 12 qof oo guddi ah kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii loogu guuri lahaa hal xisbi iyo guud ahaan arrimaha midowga xisbiyadan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Goobjoog News