U bood dhigaalka

Sidee Lagu Soo Daayey Maxbuus 84 Maalin Xirnaa?!!

Sheeko:Dalka

Hey’adaha garsoorka dalka ayaa maanta soo daayey  Cabdi Salaam Xuseen Muuse oo saaka ay xaaskiisa u sheegtay  warbaahinta Goobjoog inuu iska xirnaa muddo 84 maalin ah.

Saynab Xasan Maxamed oo  goor hore oo saaka ah la hadashay Goobjoog News ayaa tiri “Waxa ay aheyd taariikh 17 bishii koowaad 2019-ka ayuu ahaa markii uu arooskeena uu dhacay, wiilka la xiray waxaa lagu magacaabaa Cabdi salaam Xuseen Muuse, waxa aan soo dagnay xaafada siigaale oo dagmada Hodan ka tirsan, maalintii arooska maalintii ka danbeysay ayaa waxaa xaafada ka dhacay dil 19-kii  bishana, waxaa xaafada noogu imaaday ciidan kadibna waxaa ka kaxeystay ciidamada nabad sugidda”.

Saynab oo hadalkeeda sii wato ayaa sheegtay in saygeeda Cabdi salaan ay ka war heleen in lageeyay madaxtooyada xabsi ku yaala loona diiday inay booqato maalmihii hore lakiin 40 cisho ka dib xarigiisa loo ogolaaday inay aragto.

”Waxaa la ogaaday in madaxtooyo dhexdeeda la geeyay oo halkaas lagu xiray, ka dib reerihii iyo dadkiisa ayaa loo xil saaray inay xaalkiisa la socdaan , marwaliba aan waraysto waxa ayna ii sheegeen inuu saygaygu danbi laheyn lana  soo-deen doono, bari iyo bari danbe sidaan u sugaayay waxa uu xiran yahay nikayga 84 maalin, markii hore way adkaatay inaan xabsiga tago, qof waliba waxa uu ii sheegay inay adag tahay in lagalo asagoo 40 maalin ku xiran ayeey ii suura gashan inaan u tago iyo maalin dhaweed oo qof kale I geeyay”

Sidoo kale Saynab Xasan Maxamed ayaa carabka ku dhufatay in gurigii ay ku dareemayso dhibaato niyad jab ay ka qaaday xariga loo geestay seeygeeda ayagoo hal maalin kaliya aqalka joogay, lakiin waxa ay rajo ka muujisay inay markale  dib u aragto saygeeda oo u xiran ciidama nabad sugidda Soomaaliya.

“ Koleey  qof asagoo aroos cusub ah seddex bilood ninkeedii ka maqan yahay waad dareemi  kartaa xanuunka iyo dhibaatada ay leedahay, cidlada iyo meesha ay wax marayaan, lakiin tani waa qadar lagamana quusto waxaana rajaynaa in waqti dhaw ay hagaagi doonto”

Dhanka kale Sahro Xasan Maax waa  Hooyada dhashay marwo Saynab Xasan Maxamed ayaa sheegay in Zaynab ay ku noolaan waysay xaafadii loo guuriyay hadda ay la nooshahay aydoona usheegtay in gabadhu ayna aqoon badan u laheyn reerka.

“Gabadhu marka ay reer guursaday  in badan dhex gasho waa ay la noolaan kartaa  wax badan lakiin habeen ayadoo soo hoyatay ayaa wiilkii ay cida ka baratay laga ka xeestay gabadhii dhibaato ayeey ku noqotay, hadda aniga ayeey ila nooshahay oo gurigii ma aado

Ugu danbeen Zanab ayaa ka codsatay dowladda in wax qabadka hoos loo eego dadka sideeda oo kale dhiban wax loo qabto ayadoona sheegtay in dowladu ay masuul ka tahay dadka oo dhan lana su aalayo .

“ Dowladdu wax waa ay qabataa lakiin waxa ay qabtaan wax ay arkaan oo kaliya oo waaweyn oo kaliya lakiin waxaa jira  dhibaatooyin intaas ka badan oo dadka heysta, dowladu ay masuul ka tahay dadka oo dhan lana su aalayo

Goobjoog News