U bood dhigaalka

Sidee Loo Fasiran Karaa Khariidadda Afrika Oo Soomaaliya Laga Saaray?

Sheeko:War

Maalintii shalay ahayd ayaa lagu baraarugey khariidadda Afrika oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ku soo ban dhigtay boggeeda internetka oo Soomaaliya laga dhigay qayb ka mid ah Itoobiya. Dowladda Itoobiya hadda khariidaddii waa ka bixisay bogga markii dad badan oo Soomali ah welwel iyo caro ku abuurtay. Laakiin nasiib darro, dowladda Soomaaliya wax war ah kama soo saarin arrinkaas xasaasiga ah. Aragtidayda dhowr arrimood ayaa laga fahmi karaa dhacdadaas.

  1. Itoobiya weli kama tanaasulin fikirkii isballaarinta oo ay ku dhisneed iyo damaceedii ahaa in ay liqdo Soomaaliya. Madax badan oo Itoobiya ah ayaa horay u sheegtay in Soomaaliya ka tirsan tahay. Dhulkii Soomaaliyeed oo gumaysigu siiyayna ay rabto in ay kororsato.
  2. Khariidadaan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya samaysay, oo fikirka ah in Soomaaliya la liqo miiska u saaran yahay. Ma aaminsani in boggooda la jabsaday oo sidaas loogu daabacay.
  3. Waxa ay noqon kartaa tijaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed la tijaabinayo oo la cabbirayo sida ay uga fal celiyaan arrinkaan taabanaysa jiritaankooda. Waxaan xusuustaa intii aan ciidanka Itoobiya lagu soo darin AMISOM, waxaa suuqa la soo geliyey fikirka oo la tijaabinayey sida looga fal celiyo. Markii falcelis macne leh la waayey, waxaa la qaaday tallaabo aan adduunka kale macquul ka ahayn oo ah in laba dal oo cadaawad iyo muran dhul ka dhexeeyo mid ciidankiis kan kale howlo nabad ilaalineed loogu diro.
  4. Waxa ay noqon kartaa in ay la dagaalayaan fikirkii Soomaali weyn oo ay rabaan in Soomaalidu illoobaan dhulka ka maqan oo ay ka walwalaan dhulka loo aqoonsan yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Hadda ka hor bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxaa ku qornaa siyaasaddooda ku aaddan Soomaaliya oo ay ka mid ahayd in dagaalka Soomaaliya loo qaado, kala duwanaashaha qabaa’ilka Soomaaliyeedna la buub buuniyo. Maadaama ay nidaamka federaalka korka naga saareen arrinkaas waxbaa uga hirgalay.
  5. Wax magaradkii ku hadaaqayey Itoobiya waa walaalaheen oo isku dayayey in ay taariikhda dib u qoraan, in ay ogaadaan in qorshahii Itoobiya oo is ballaarinta ahaa uu weli taagan yahay oo ay fursad la dhowrayaan.
  6. Aamusnaanta dowladda Soomaaliya ee arrinkaan oo aan la fahmi karin maadaama jiritaanka dalka Soomaaliya shaki la galiyey.

Soomaaliya oo aan helin dowlad xudduudaheeda difaaci karta, wax wada hadal iyo wada xaajood ku saabsan wax isku darsasho iyo iskaashi lama geli karno dalka Itoobiya oo uu ku jiro damac ah in ay Soomaaliya liqdo

W/Q: Axmed Cali Khayre