U bood dhigaalka

Sidee Loo Qabtay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur?

Sheeko:Dalka

Waxaa xalay saqdii dhexe magaalada Muqdisho la weeraray guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xarigiisa.

Xildhibaan Cabdfitaax Geesey oo joogay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur oo la hadlay VOA Somali ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka u tababaran ay soo weerareen guriga siyaasiga, isla markaana ay xireen.

Illaa 5 ka mid ah ilaaladiisa ayaa sidoo kale lagu waramayaa in ay halkaasi ku dhinteen, iyaga oo 30 daqiiqo ka socotay rasaas kadib ay goobta la wareegeen ciidanka dowladda, cod baahiyeyaalna loogu yeeray in ay soo baxaan.

Xildhibaan Geesey waxaa uu intaasi ku daray in uu Cabdiraxmaan Cabdishakur dhaawacmay, iyagana ay gacanta ka duubeen.

Goobjoog News