U bood dhigaalka

Sidee Looga Faa’ideysan US$3 million Ee Jaban Ugu Deeqay Soomaaliya?

Sheeko:Dalka

 Dalka Japan ayaa  kaalmo iyo deeq lacageed oo wax looga qabanayo waxbarashada caruurta iyo haweenka la dhibaateeyay uuna Soomaaliya ugu talogalay u soo mariyay hey’adda UNICEF.

Lacagtan oo dhan ilaa US$3 million ayey tahay in lagu caawiyo dadka abaarta ku dhibaateysay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Lacagtan waxaa wax lagu caawin-doonnaa 10,000 oo caruur ah oo ilaa 50 Iskuul wax ka barta, waxaa sidoo kale lagu dhisi dooni suuliyo iyo biyo mooyo saxa ah, waxaa kale oo la dhisi doonaa ilaa 50 Iskuul oo kale oo KMG ah,waxaa kale oo caruur lagu siin-doonnaa cunto lagu dhiirrigelinayo

Soomaaliya waxa la sheegayaa in ay ka jiraan nafaqo darro iyo barac taas oo keentay in ilaa 2.8 million oo caruur ah u baahdaan gargaar degdeg ah.

Qoraal la soo saaray ayaa lagu sheegay in abaarta dalka ka jirtay ay ka dhasheen shuban biyood iyo dhibaatooyin caafimaad kuwaas oo jiray 2017-kii, lagana yabo in ay sii jiraan sanadkan 2018-ka.

Goobjoog News