U bood dhigaalka

Sidee Somaliland iyo Dowlad Goboleedyada Uga Hadleen Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Xanuunka Coronavirus walaaciisa ayaa dalka gudihiisa ah mid sii kordhayo iyadoo maanta dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday hakinta duulimaadyada gudaha dalka, waxaana horay loo xiray maalmo goobaha waxbarashada ka dib markii labo kiisas laga diiwaan geliyey magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa ee Somaliland.

Madaxda dowlad gobaleedyada qaarkood ayaa maanta bulshada deegaanadooda u diray fariin ku aadan xanuunka Coronavirus, iyaga oo ugu baaqay in bulshadu raacaan dardaaran caafimaadka ay bixinayaan hey’adaha ku howlan caafimaadka kana shaqeeyo.

Madaxweynaha dowlad gobaleeda Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta qoraa uu soo dhigay bartiisa Facebooke ayuu ku sheegay in xanuunka Coronavirus uu khatar badan uu ku haayo dunida dhan isaga oo bulshada ugu baaqay in ay taacaan talooyinka caafimaadka , isaga oo intaas ku daray dulqaad waa inla muujiyo waxaana uu yiri madaxeyne Deni.

“Caabuqa ‘Coronavirus’ waa khatar dunida ku soo siyaaday sidaas awgeed Dawladda Puntland waxay qaaday talaabooyin looga hortagaayo faafidda caabuqaan inuu dalka ku faafo, dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland waxaan ugu baaqayaa inay qaataan talooyinka Hay’adaha Caafimaadka iyo Arimaha Gudaha ee Dawladda Puntland inta suurto gal ah, waan dareensanahay duruufaha dadkeena ku xeeran lakiinse waxaan ku baaqaynaa in la yareeyo; isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada.”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa sidoo kale maanta baaq u diray bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan Koonfur Galbeed isaga oo bulshada augu baaqay in ay dadaal muujiyaan iyo ka hortag, isaga oo bulshada u jeediyey ammro loona baahan yahay in laraaco .

“Waxaan codsanaynaa ka Mas’uuliyiinta iyo Bulshada kale in ay yeelaan talada dhaqaatiirta ay bixinayaan, Dhaqaatiirta waxaa ay bixinaayaan talooyin badan oo ka hortag ah waxa haddii uu yimaado haddii aan daawo loo haynin inta uusan imaan in laga hortago oo la is ilaaliyo, waxaan codsanaynaa marka ugu horeyso dadku in nadaafada ay ilaaliyaan nadaafada guryaha iyo qof Banii’adamka korkiisa, salaanta gacanta la is galinaayo ama kulamada bulshada ee maqaayadaha iyo fadhi ku diriryada waa in la joojiyaa waa in la taxadaraa oo bulshada loo turaa adinkana aad isku turtaan” ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey madaxweynaha dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Maxamed Laftagareen.

Madaxweynaha Somaliland Muusa Biixi iyo labadiisa dhinac ay taagnaayeen labada hoggaamiye xisbi-mucaarid Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali-waraabe ayaa si wada jir ah ugu direen farriin bulshada u dhaqan Somaliland oo ku saabsan ka hortagga caabuqa COVID-19, waxana ay kula dardaarmeen in ka hortaggu yahay tallaabada kaliya ee xanuunkaas bulsho ahaan lagaga badbaadi karo.

Xaaladahan ayaa ku soo aadayo iyadoo dalka laga helay kiisas ku aadan xanuunka Corova waxaana gabi ahaan dalka laga joojiyey duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha dalka, waxaana la joojiyey waxbarashada dalka iyo kulamada bulshadu ay isku timaado.

Goobjoog News