U bood dhigaalka

Sidee Soomaaliya Xasilooni Siyaasadeed Loogu Heli Karaa, Maxaase Hortaagan?

Sheeko:Amniga

Soomaaliya muddo sedex sano ah oo soo idlaatay madaxda dowladda, kuwa dowlad gobaleedyada qaarkood iyo siyaasiyiinta majirin xasiilooni siyaasadeed oo dhinacyadu isaga raali ahaayeen ama la isku raacsan yahay mudadaasi, in aan la helin  cid weliba sabab ha u ahaato waxaan shaki ku jirrin in dalka iyo dadlka  Soomaaliyeed u baahan yihiin in ay helaan xasilooni siyaasadeed si cagta loo saaro wadada hormar, cadaaladda iyo sinaanta.

Maadaama dalku u guuray nidaamka federalism-ka lagana guuray nidaamka awoodda meel dhexe ku uruursan ama kalitalisnimada, ayaa dadka taxliiliya arrimaha siyaasadda dalka  mar weliba waxaa ay xusaan wada shaqeynta joogtada ah ee dowladda dhexe, kuwa dowlad gobaleedyada iyo siyaasiyiinta u hanqaltaagaya ka mid noqoshada dowladnimada dalka wada jirkooda ay tahay furaha koowaad ee lagu heli karo in dalka uu helo xasilooni siyaasadeed,hadaba su’aashu waxaa ay tahay sidaa lagu gaari karaa?

Ugu horeyn Professor Xasan Sheeikh Cali oo ah bare cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda umadda sidoo kalane ah khabiir darsa xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo ka qeyb galayey barnaamijka Madasha oo Goobjoog tv  ka baxa ayaa sheegay sababaha hortaagan in la heli waayo xasilooni siyaasadeed oo dalka ka hano qaado waxaana uu yiri.

” Soomaaliya Siyaasaddeedu hadda wax dhameystiran majiraan, sababtu waxaa ay tahay meesha aan mareyno ayaa ah meel aad u hooseyso, marka aad ka soo bilowdo siyaasadda Soomaaliya iyo dib u yegleelidda sisaayadda Soomaaliya waa bilow, ka shaqeynta amniga qaranka waa bilow, ka shaqeyntii arrimaha maaliyadda waa bilow, ka shaqeynta arrimaha bulshada iyo isku keenidda waa bilow, guud ahaan annaga oo Soomaali ah xiriirka aan caalamka la yeelaneyno waa bilow, maadaama wax weliba ay bilow yihiin wax aan sameyn karno majiraan, qof Soomaali ah oo wixii xil la saaray oo 100% wax shaqo u qaban karo majiro, markii wax la isku soo aadiyey oo wax la soo dhisay wixii la soo dhisay waa in meeshii la soo gaarsiiyey laga siiwadaa meeshaas”

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga shacabka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac oo dhankiisa Marti ku ahaa barnaamijka Madashada, ayaa sheegay in ay muhiim tahay si loo gaaro xasilooni looga bahan yahay madaxda dalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada in ay cadeeyaan waxa dhex yaallo, waxaana uu yiri.

“Haddii aan la helin madaxda dowladda iyo State-yada inta ay hor yimaadaan shacabka ay madaxda u yihiin aan la cadeynin waxa la isku haayo, annaga waan ognahay waxa la isku haayo waa adigu bax aniga ayaa joogayee iyo adigu bax aniga ayaad igu timide iyo state-kii ayaan heystaa anigaba dowladdii taladii guud ee dalka ayaan heystaa oo wixii aan doono ayaan kugu sameyn karaa, waxaan ku soo gaban gabeynayaa waxaa la isku heysto waa masiirkii shacabka, waxaa la isku heystaa waa shacabka iyo dhulkaas quruxda badan waxaa loo kala ordayaa dhulka aniga ayaa xaraashayo iyo aniga ayaa hormuud unoqnayo, shacabka waxaan leeyahay dhibkaan waxaa looga bixi karaa waa shacabka oo toosa sidii shacabka Turkiga iyo Suudaan u kaceen inta shacabka Soomaaliyeed u kacaan ha yiraahdaan korkeena la isku qabsanmaayee sanaadiiqda nadhex keena “

Dhanka kale Maxamed Macalin Cali guddoomiyaha xisbiga Xaal Qaran ayaa sheegay in xasilooni siyaasadeed in lagu heli karo in la joojiyo awood adeegsiga iyo siyaasadda Soomaaliya ee weli u egtahay nidaamkii isticmaarka laga soo minguuriyey aan weli laga bixin kuwaas oo laga gudbo ayaa lagu gaari kara xasolooni.

“Dhibaatada na heytadaa waa labo arrimood waa mid waa dhaqan qoyska oo Aabuhu awood badan uu isticmaalay qoyska dhexdiisa ah oo aan talo wadaag badan jirin oo dhaqanka Soomaliga ku weyn arrintaas iyo arrinta labaad oo ah siyaasadda Soomaaliya nidaamkii Isticmaarka oo sidii looga soo miin guuriyey aan weli laga tagin, tusaale ahaan xukuumadda hadda jirta oo la lahaa Musuqmaasuq ayey la dagaalantay hadda waxaa ay aheyd dowladdii ugu hooreysay Leval ahaan sanadkii 2019-kii, 9-aad ayey ahayd sanadkaan hal ayey hoos u dhacday 10-aad ayey noqotay” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Xaal Qaran.

   Maxaa hor taagan helitaanka xasilooni siyaasadeed?

Marka aan ka tixraacno ka dib dowladihii kumeel gaarka ahaa ee dalka soo maray dhalashadii dowladdii federaalka ee 2012-kii la dhisay  iyo hadda midda talada heyso oo muddo xileedkeedii uu ka haray wax ka yar hal sano mudaas marna majirin xasilooni siyaasadeed oo la isku raacsan yahay haddaba maxaa hor taagan?

Professor Xasan Sheekh Cali ayaa yiri “Waxaa jira waxyaabo loo baahan yahay in la ogaado in laga fogaado ama ay tahay in la sameeyo sida barnaamijka aan hadda u fadhinno, cawaa waxaan u fadhinaa mid ka mid ah waxyaabaha suurto gelinaayo in dalkaan laga helo xasilooni siyaasadeed, waxaana ka mid ah in bulsho weliba oo meel iskugu timaado oo ay jirto xoriyad dadku ay isku dhaafsan karaan aragti, sidoo kale waa in ay dhacdo wax heshiis lagu yahay si caam ah wax qoran iyo wax an qoran waa inaan ogaanno inaan nahay Soomaali waa inaan in dalkaan uu naga dhexeeyo qof weliba uu ogaado in uu mas,uul saaran yahay mid guud iyo mid shaqsi ah Dastuurka iyo sareenta sharciga”.

Guddoomiyaha xisbiga shacabka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac ayaa dhankiisa yiri “Waxaan aaminsan nahay dhibka hadda ugu badan ee dalka ka jiro in uu yahay shaki ah dalka masii xumaanayaa mise wuu soo wanaagsanaanayaa ayaa shaki iyo tuhun badan bulshadu ka qabaan siyaasiyiinta laftirkooda damaca siyaasadeed uu ku jiro taas ayaa sabab u ah, midii ka dhacday Galmudug iyo waxa hadda ka taagan Baled xaawo iyo dhibaatooyin hore oo dhacay oo aan xal nabadeed laga gaarin  marka bulshada tuhun ayaa jiro, tuhunkaas waxaa la rabay in ay saaraan cidda xukunka iyo talada hayo dowladda iyo Satate-da labadaba waa ka fog yihiin, waxaa ay aheyd in dadka in ay tusiyaan in shaqada isku meel ay u wadaan”

Ugu dambeyn Maxamed Macalin Cali guddoomiyaha xisbiga Xaal Qaran ayaa dhinaciisa yiri “Nidaamka xisbiyada oo aan wadnay u jeedkiisa waxaa uu ahaa in looga gudbo nidaamka Qabiilka 4.5-ta fursad aan la siin iyo xukuumadda oo aan la shaqeyn, inkastooo guddiga doorasho dadaal badan ay bixiyeen doorkii xisbiyada  jilacsan yahay  uu dabo socdo nidaamka qabyaalada xasilooni siyaasadeed lagaaro waa adag tahay”

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aminsan in Soomaaliya oo gaarta xasilooni siyaasadeed ay dhabaha u xaareyso nabad iyo amni.

Goobjoog News

W/Q/ Dalmar Abdulkhadir Daacad.