U bood dhigaalka

Sideed Ku Akhrisan Kartaa Farriin Kasta Oo Laga Tiro WhatsApp-k

Adeegga farriimaha degdegga ah ee WhatsApp in muddo ah waxa uu lahaa barnaamij lagu tirtiro farriimaha uu qofku si kama’ ah u diro ee ka khaldama.

Laakiin, tiro ka mid ah dadka adeeggan isticmaala ayaa arrintaa ka diiqadooda, iyagoo doonaya iney ogaadaan farriinta uu qofku soo qoray ee markii dambe uu ka noqday.

Website-ka “Gadgetsnow” ee arrimaha teknolojiyadda ka faalooda ayaa kuu sheegaya waddo sahlan oo kuu suuraggalineysa inaad si fudud ku akhrisato farriimaha laga masaxay WhatsApp.

Tallaabooyinkan Raac:

-Waxaa lagama maarmaan ah marka hore inaad la soo dagto App-ka gaarka ah ee la yiraahdo “Notification History”.

-Marka aad la soo dagto, waxa uu kuu soo dirayaa dhammaan Notifications-kii farriimaaha ee aad horey u heshay sidii ay u kala horreeyeen; farriin kasta ayaad akhrisan kartaa, xitaa kuwii la masaxay. Waxa uu kuu soo bandhigayaa Notifications kasta, adigoo markasta oo aad doonto dib u akhrisan kara.

-Waxa kaliya oo lagaa rabo ayaa ah inaad App-ka furato kadibna aad doorato akhrin Notifications-ka oo doorashooyinka uu kuu soo bandhigayo ka mid ah.

-Waxaase muhiim ah inaad ogaato in App-ka “Notification History” uu kuu diiwaangelinayo 100 xaraf oo kaliya Notifications-ka, taas oo ka dhigan in farriinta laga masaxay WhatsApp aad ka akhrisan karto 100 xaraf oo qura.

Goobjoog News