U bood dhigaalka

Siduu u Ekaanayaa Dhaqaalaha Mareykanka Haddii Hillary ama Trump Midkood Ku Guuleysto Doorashada?

Sheeko:Dalka

Doorashooyinka Mareykanka ayaa ka mid ah dhacdooyinka siyaasadeed ee ugu muhiimsan saameyntana ku leh dunida oo dhan, waxaan shaki ku jirin in dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga-gaar ahaan doolarka- iney saameyn ku leedahay murashax kasta, ha noqdo mid ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ama Dimuqraadiga labadaba; murashax kastaa waxa uu soo bandhigayaa qorshihiisa dhaqaale oo waafaqsan tan xisbiga uu ka tirsan yahay.

Hadallada  ka soo baxa murashaxa ayaa noqda kuwo saameyn ku yeesha nolosha dhaqaale, tusaale ahaan, murashax xisbiga jamhuuriga Donald Trump ayaa waxa uu sheegay haddii la doorto in si kumeel gaar ah u joojinayo Muslimiinta una diidayo iney helaan Visa-ha dal ku galka Mareykanka, arrintaasi waxay dhalin kartaa in maalqabeen farabadan oo Muslim ah ay ka fakaraan iney maalgashigooda kala baxaan dalka Mareykanka amaba ay ka hakadaan macaamilkii gacansi ee suuqa saamiyada Mareykanka, taas oo dhalin karta xasillooni darro dhaqaalaha Mareykanka ah.

Siyaasadda Dhaqaale ee Axsaabta Dalka Mareykanka

Siyaasadda xisbiga Jamhuuriga ah waxay ku urursan tahay in la yareeyo deynta qoyska, fursado badanna oo dhanka shaqo abuurka ah laga sameeyo ganacsiga gaarka ah. Si taa loo gaaro, go’aannada dhaqaale ee murashax xisbigu waxay xoogga saareysaa sidii loo yareyn lahaa canshuurta laga qaado gacansiga gaarka ah. Donald Trump waxa uu ballan qaaday in cashuurta ganacsiga gaarka ah uu dhimi doono 40% oo uu gaarsiin doono 15%, waxa uuna ku sababeeyay si shirkadahaas ay shaqo abuur badan u sameeyaan xorriyad fiican oo ay  ku ganacsan karaanna u helaan.

Si taa ka duwan, xisbiga dimuqraadiga ah ayaa siyaasaddiisa dhaqaale waxay ku xiran tahay dhanka dowladda, waxayna aaminsan yihiin in halkaa laga taageeri karo dhaqaalaha fursado bandanna oo shaqo laga abuuri karo, sidaa darteed waxaad arkaysaa xakameyn farabadan oo gacansiga gaarka ah la saaro iyo waliba ilaalin badan oo lagu sameeyo suuqa saamiyada oo si weyn loo koontaroolo.

Dhaqaalah Mareykanku siduu u ekaanyaa haddii Hillary ama Trump midkood ku guuleysto doorashda?

Trump

Tiro koobyo dhaqaale oo ay sameysay jariidada Washington Post-na lagu soo daabacay ayaa muujinaya in labo sanno ka dib xukunka Doland Trump, waa marka uu ku guuleysto doorashada’e, uu dhaqaalaha Mareykanka u ku imaanayo hoos u dhacii ugu weynaa in muddo ah oo gaaray illaa 0.3%.

Trump waxa uu ballan qaaday in macaamilka dhaqaale ee dalka Shiinaha uu si gaar ah u eegi doono canshuuro aad u xooggan uu ku soo rogi doono badeecadaha dalkaas, waxa kale oo uu sheegay inuu baabi’inayo heshiiska ganacsi ee Mexico iyo Mareykanka, kaas oo labada waddan ay saxiixeen markii uu kursiga xukunka madaxtimada Mareykanka uu ku fadhiyay madaxweyne Bill Cilnton, iyadoo heshiiskaasi uu dhigayay canshuur dhaaf loo sameeyo badeecadaha ganacsi ee labada waddan Mareykanka iyo Maxico, iyadoo la sheegayo in arrintaasi dhalin karto, haddii ay dhacdo, xiriirka labada waddan oo uu mugdi soo kala dhexgalo.

Hillary Cilnton

Heshiiska Pacific ama “TPP” waxa uu ka mid ahaa heshiiyada ugu weyn ee uu saxiixay madaxweyne Barack Obama, waana mid xorriyad gacansi u saamaxaya dalalka heshiiskan ka qeybta ah oo ay ka mid yihiin; “Singapore, Vietnam, Chile, Japan, Malysia, Mexico, Canada, Australia, New Zealand, Peru, Brunei”. Hillary Clinton waxay sheegtay iney ka soo horjeeddo heshiiskan oo ay tiri waa mid hoos u dhigaya fursadihii shaqo ee dadka Mareykanka, iyadoo intaa raacisay inuu hoos u dhagayo mushaarka shaqaalaha gudaha Mareykanka.

Hillary Clinton uma qorsheysna iney wax ka bedesho heshiiska ganacsi ee dowladaha Shiinaha iyo Mexico, iyadoo lagu wado iney si dhaw ula shaqeyso dowladaha la jaanqaadaya danaha dhaqaale ee dalka Mareykanka. Dadka dhaqaaleyahanka ah ayaa tilmaamaya in siyaasadda Clinton ay u wanaagsan tahay kobaca dhaqaale ee dalka Mareykanka.

Si kastaba,  Hillary Clinton ayaa hadda sii xoojineysa fursadeeda guuleed ee dhanka doorashada Mareykanka, iyadoo ra’yi uruurintii ugu dambeysay ee Isniinta la sameeyay ay tilmaamayso in ay dhibco fiican ka horreyso Donald Trump oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga oo la daalaa dhacay sidii ay u xoojin lahaayeen fursadahooda guuleed ee hanashada aqalka cad ee dalka Mareykanka.

W/D: Khadar Xuseen

Goobjoog News