U bood dhigaalka

Siilaanyo: Cunoqateynta Hubka Ee Laga Qaado Soomaaliya Waxay Keeni Doontaa Dhibaato Hor Leh

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta jeediyey Khudbad ku aadan 18-ka May oo ah maalin uu maamulkaasi u asteeyay iney ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayaa ku baaqay in Soomaaliya aan laga qaadin xayiraadda hubka ee saran.

Siilaanyo ayaa sheegay in haddii Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ay imaan karto dhibaato cusub oo Geeska Afrika ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Maanta umadda Soomaaliyeed waa ay kala tagtay weyna kala tashatay, haddii Soomaaliya cunoqabateynta laga qaado waa hubaal iney tallaabadaasi u horseedi doonto mandiqadda geeska Afrika xasilooni darro iyo  xurguf hor leh oo abuura xiisado colaadeed, waxaan ka digeyaa in qowmiyadda Soomaaliyeed la dhex dhigo waxyaabo keenaya cawaaqib xumo aan laga soo kaban” Silaanyo ayaa yiri.

Dhanka kale Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in iyagu ay ka go’een Soomaaliya, kaliya waxa ay hadda doonayaanna ay tahay iney ku wada noolaadaan Labada dhinac qaab derisnimo ah.

“Marnaba uma dulqaadan doonno cid walbo oo farogelin ku sameyso ciiddayada iyo calankayaga, waxaan ugu baaqayaa dalka aan deriska nahay ee Soomaaliya inaan ku wada noolaanno nabad iyo niyad sami, waxaan leeyahay waqti ha iska luminina” yuu yiri Siilaanyo.

Somaliland ayaa sheegta iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee ma jirto cid illaa iyo haatan aqoonsi siisay.

Goobjoog News