U bood dhigaalka

Siilaanyo"Xildhibaanada Ixtiraam iyo Qadarin Ayey Mudan Yihiin, Waa In La Ixtiraamaa Laakin Wixii Sharciga Ku Xag gudba, Sharciga Kama Weyna”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo  Ka Kadlay Shaqaaqo Maanta Ka Dhacday Somaliland

Halkan ka akhriso khudbadii iyo shirkii jaraa’id ee Siilaanyo

“Waxaan ka xumahay in ay dhacdo maanta khilaaf iyo shiqaaqo uu abuuray goloha baarlamaanka, waxa ay hay’adaha ay khuseyso isoo gaarsiiyeen in sababtaaa awgeed loo dhaawacay ciidamadii amaanka sugayey, hal qof oo rayid ahna uu ku dhintay, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, qaarabadii, eheladii iyo dhamaan dadka Jamhuuriayadda Somaliland, waan uga tacsiyeeynayaa aadna waan uga xumahay”

“Waxaan leeyahay nabad gelyada ha la ilaaliyo, halala shaqeeyo ciidamada booliiska iyo guud ahaan hay’adaha ammaanka ku howlan. amaanka wa sheyga ugu qaalisan ee qarankani haysto, aniguna ka Madaxweyne ahaan, waa mas’uuliyadeyda koobaad, cidna ka yeeli mayo in nabad gelyada qalqal la geliyo”.

Golaha Wakiilada: Waxaan leeyahay golaha wakiilada, waxaa idin saaran mas’uuliyad culus oo bulshada idiinkaga fadhiso, ma aha in aad maalin walba is heysataan oo qaranka qas gelisaan, dhamaan waxaa idiin soo gudbiyey xeerarkii muhiimadda qaranka u lahaa; xeerkii ammaanka, xeerkii doorashada, miisaaniyaddii qaranka iyo guddigii doorashooyinka. Waa khalad in gudoomiyuhu nagu eedeeyo in aan faragelin ku heyno golaha, ma jirto. shaqaqada qaranka idinka sugaayo ku howl gala, idinkana wixii dhexdiina yaala, wada hadal ku dhameysta, sharcigana u hogaansama”

Golaha Guurtida: Golaha guurtida waxaan ku ammaanayaa shaqada ay qaranka u hayaan, gacan weyn baanu ku siineynaa, waadna ku mahadsan tihiin baan leeyahay”

“Xisbiyada: Xisbiyada waxaa loo sameeyay in qiyaanada lagaga baxo, waa nasiib darro in maanta qaarkood ay kasoo baxdo baaqyo qabyaaladeed, waxaan leeyahay qarankani waxaad u heysaan mas’uuliyad, waxaana waajib idin ku ah in aad ilaalisaan sumcadda, sharafta iyo heybadda qaranimada”

Su’aalaha Saxaafadda hadalkiisa ka dib:

Siilaanyo:

“Horta marka hore aad iyo aad baan uga xumahay arimaha qaarkood ee siyaasadda la xiriira, ciidamada aammaanka, waxay u xilsaaran yihiin ilaalinta ammaanka, cid ay iska eryanayaan iyo cid ay xumeynayaan toona ma jirto, laakin cidna u adkeysan mesyo dowlad ahaan wixii sharciga ka hor imaanaya, ee sharciga burinaya ee nabad gelyada wax yeelaya, waajibka dowladda qaranka ka saaran waa in ay ilaaliso oo tilaabo ka qaado, intaa wax dhaafsiisan oo ummadda lagula kacayaa ma jirto, waana ka xumahay wixii khasaaro iyo dhibaato ka yimid”

Xasaanadda Baarlamaanka ayaa la su’aalay:

Siilaanyo:

“Xildhibaanada xasaanad ayey leeyihiin, in ay faragelin ku kacaan ma aha ileen sharciga kama weyna xildhibaanada, , xildhibaanada in la iska raadsado ma aha, xildhibaanada ixtiraam iyo qadarin ayey mudan yihiin, waa in la ixtiraamaa laakin wixii sharciga ku xag gudba, sharciga kama weyna”

Su’aal ku saabsan shir jaraa’id ee gudoomiya Baarlamaanka Maanta qabtay:

Siilaanyo:

“Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wakiiladu howshiisu wuu u madax banaan yahay, isagaa ku shuqul leh, wixii nabad gelyada ku saabsanse, waajib iyo xilbaa ka saaran meel kasta ha ahaatee, ama gole gudihii ha noqoto ama dibadda ha noqotee in ay ilaaliso, laakin wixii goloha gudahiisa ah iyaga ayaa u xilsaaran”

Mooshinka ayaa la weydiiyay

Siilaanyo:

“Howshaas waxay u taala golaha wakiilada”

Halkan ka dhageyso Khudbadda iyo Shirka Jaraa’id