U bood dhigaalka

Siminaar Ku Saabsan Sida Ardaygu Ugu Guuleysto Waxbarashada oo Lagu Qabtay Jaamacadda Salaam

Sheeko:War

Waxaa Hoolka tababarrada ee jaamacadda Salaam lagu qabtay  lecture aad u qiimo badan oo ardayda u jeediyay Dr Maxamuud Abdirahmaan ( Dr Hoori ) , oo ah khabiir ku takhasusay Chemistry & Physics  oo bare sare ka soo noqday jaamacado dhowr ah oo ku yaalla Ingriiska iyo Sacuudiga .

Dr. Hoori ayaa soo jeediyay Muxaadarada oo cinwaankeedu ahaa ( How to Achieve an Academic Success) sida waxbarashada loogu guuleysto, taa oo socotay muddo 3 saac ah, ayay ardaydu ka faaideysteen macluumaad dhaxal gal ah .

Tani ayaa qayb ka ah dadaalka uu maamulka jaamacadda ugu jiro horumarinta iyo kobcinta garaadka & aqoonta ardayda.

Sidoo kale Maamulka Jaamacadda ayaa waxa uu uballan qaaday ardayda dhigata jaamacadda in ay heli doonaan tababarro kale oo ay qaban doonaan Profesaro magac iyo kaalin sare ku leh aqoonta dalka.

Si kastaba, Tababarrada noocan oo kale ah oo ay jaamacadi ardydeeda u qabto ayaa dhiirigelin mudan, maadaama ay ardaydu la falgalayaan aqoonyahanno caalami ah oo dalkooda u dhashay saameynna ku leh waxbarashada dunida.

Goobjoog News