U bood dhigaalka

Singapore: Heshiiska Taariikhiga Ah Ee Trump Iyo Kim Jong-un

Sheeko:Dalka

Waxaa heshiis iyo is-afgarad taariikhi ah gaaray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un, tallaabadan ayaa timid kadib kulan labada mas’uul ku dhex maray Jasiiradda Sentosa ee Dalka Singapore.

Inta ay kullamada socdeen, waxaa ay labada nin yeesheen kulan gaar ah oo 40 daqiiqo qaatay, waxaa la joogay oo keliya labada tarjumaan.

Maraykanka waxaa uu doodayaan in Kuuriya waqooyi ay baab’iso hubka wax gummada  halka Jaziiradda Kuuriyada waqooyi ay xoogga saareyso sidii ay dhaqaale iyo horumar ku gaari laheyd.

Dadka siyaasadda falanqeeya waxaa kulanka iyo heshiiska ku tilmaameen mid taarikhi ah waayo sanadkii hore xillagan oo kale waa adkeen in calanka waqooyiga Kuuriya lagu arko fagaaraha caalamka.

Goobjoog News