U bood dhigaalka

Sirdoonka Jubbaland oo Qabtay Rag Lala Xiriirinayo Al-Shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka  dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa magalaada Kismaayo ku soo bandhigay rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen xarakada Alshabaab, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka.

Howlgal balaaran oo ciidamada ammaanka  ka sameeyeen gudaha magaalada ayey ku soo  qabteen labo ruux oo magacyadooda lagu sheegay  [ Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud) oo ciidamu sheegeen in ay ka tirsanaayeen Alshabab.

Sidoo kale ciidanka amniga ayaa xusay in raggaan ay gacanta ku soo dhigeen xili  gacanta ay  kula jireen fal dambiyeed waxaana ay siteen Bastoolado halka mid kamid ah uu waday Qarax lagu soo dhex qariyay Tarmuus, ciidanka ayaa sheegay in ay halen goob raggaan keyd u ahaa waxaana ay ka soo saareen  2 miino iyo 7 Bambo Gacmeed.

Dhanka kale Ciidama nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay  in raggaan ay qirteen iney  ka dambeyeen dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Kismaayo kuwaas oo loo geystay dad kala duwan.

Ugu danbeyn Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland Korneyl Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa shacabka Jubbaland kaga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyaan ciidanka ammaanka.Image may contain: 4 people, people standingImage may contain: 1 person, sitting, shoes and outdoor

Image may contain: food

Image may contain: shoes

Goobjoog News