U bood dhigaalka

Sirdoonka Mareykanka Oo Ka Digaya Adeegsiga Telefoonnada Shirkadda Huawei

Sheeko:Caalamka

Lix ka mid ah agaasimayaasha Wakaaladaha Sirdoonka Mareykanka ayaa uga digay muwaadiniinta Mareykanka in aysan adeegsan telefoonnada ay soo saarto shirkadda Huawei ee laga leeyahay dalka Shiinaha.Madaxda sirdoonka Mareykanka ayaa waxa ay tilmaameen in shirkaddani ay awood u leedahay in ay xaddo macluumaad ama ay samayso basaasnimo.

Shirkaddani Huawei ayaa waxa aas-aasay Engineer hore uga tirsanaa Ciidanka Shiinaha, waxa ayna sirdoonka Mareykanka horay uga digeen in ay soo gasho suuqyada Elektarooniga ee Mareykanka.
Telefoonnada ay soo saarto shirkadda Huawei ayaa sanadihii danbe waxa ay ahaayeen telefoonnada ugu fiican dunida marka laga yimaaddo shirkadda Samsung.

Goobjoog News