U bood dhigaalka

Sisi Iyo Netanyahu Oo Kulan Qarsoodi Ah Ku Yeeshay Qaahira

Sheeko:Caalamka

Ilo dhanka Israel ah ayaa daaha ka rogay in kulan qarsoodi ah uu la yeeshay Ra’iisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi kaasi oo ka dhacay 22 May Caasimadda Masar ee Qaahira.

Labada dhinac waxaa ay ku gorfeeyeen kulanka in Masar ay bilaabeyso xalinta Siyaasadda ee Gaza arrinkan ayaa yimid ka dib markii Martiqaad Casho ay yeesheen labada hoggaamiye, sida uu sheegay Wariyaha arrimaha Siyasaadda ee Telefishinka Israel, ayna soo xigteen ilo dhanka Mareykanka ah.

Xallinta Siyaasadda Gaza oo ay bilaabeyso Masar waxaa ka mid ah in si tartiib-tartiib ah loo soo celiyo awoodaa Falastiin si ay u maamulaan arrimahooda ku saabsan Gaza, Xabad joojin lala Sameynayo dhaqdhaqaaqa islaamiga ah ee Xamaas, in hoos loo dhigo go’doonka Gaza iyo in la gaaro xal heshiis ah oo lagu kala badalanayo Maxaabiista.

Ilaha waxaa ay intaas ku dareen in inta lagu guda jiray kulanka uu  el-Sisi sheegay in Israel, dowladaha Carabta iyo beesha Caalamka in ay Cadaadis ku saaraan Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas in si awood ah uu ku qabsado Marinka Gaza oo ay Maamulaan ururka Xamaas.

Todobaadkii la soo dhaafay waxaa ka dhacay Gaza xadgudubkii ugu darnaa oo ay geysato Israel waxaana la gaaray xabad joojin galabtii Khamiista ka dib markii ay soo faro-galiyeen Masar iyo Qaramada Midoobay.

Goobjoog News