U bood dhigaalka

Sisinta Oo Laga Dareemayo Dhaqdhaqaaq Ganacsi Oo Weyn

Sheeko:Dalka

Ganacsatada dhoofisa sisinnta ayaa waxay sheegeen inay ka helaan macaash faro badan kuwaas oo xusay inay ka faa’idaan qarash faro badan.

Sisinta ayaa waxay ka mid tahay dalagga ka soo baxay beeraha dalka taasi oo si xad dhaaf ah loogu dhoofiyo waddanka dibaddiisa.

Cabbaas Maxamed Xasan waxa uu ka mid yahay ganacsatada dhoofiya sisinta waxa uu Goobjoog News uga warramay meelaha ay u dhoofiyaan sisinta

”Annagu waxaan dhoofinnaa sisinta ,  waxyaabaha ugu badan oo aan dhoofinno heshiiskana aan ku galno waa sisinta “.

Sisinta ka soo baxda beeraha dalka ayaa ganacstada dhoofisa waxay u kala dhoofiyaan suuqyada caalamka taasi oo sababatay inay ka helaan faa’idooyin badan Cabbaas ayaa mar kale waxa uu ka warramayaa sisinta ay dhoofiyaan suuqyada ay u iib geeyaan “Meelaha aan dhoofinno sisinta waxaa ka mida waddamada  Hindiya iyo Dubai,Dubai markaay tagto ayaa waxay sii samaysaa saffron kale “.

Wadamada ay Soomaaliya sisinta u dhoofisa waxaa kamida Dubi ,Hindiya iyo khaliijka waxayna ka helaan ganacstada dhoofisa sisintaan faaidooyin maaliyadeed oo badan .

Goobjoog News