U bood dhigaalka

Siyaasad aan isla xisaabtan laheyn waa siyaasad qasaartey- Olole Golaha Degaanka ee Oslo 2019-2023

Sheeko:War

Waa xaqiiq in xaaladda reer Oslo aysan ahayn sidii ay ahayd 8dii sano ee la soo dhaafay. Horumar muuqda oo la taaban karo baa laga gaaray, haddey noqoto dhanka waxbarashada, siyaasadda, ganacsiga iyo ka dhex muuqashada bulshada. Horumarkaa waxaan aaminsannahay in uu labo jibaarmi karo haddii carqaladaha yar yar ee naga hortaagan horumar kaamil ah wax laga qabto. Sida fahanxumida ka jirta nidaamka dalka oo dhaawac ku noqotay dhawridda xuquuqda muwaaddin iyo sida bulsho ahaan loo kala daadsan yahay. Xallinta labadaa dhib baa ah labo carqalad oo isku xiran, oo wadajirnimo u baahan xallinteeda. Mid haddaad wax ka qabato, kan kale ayey saameyn ku yeelaneysaa.

Waxyaalaha sahli kara xallinta dhibkaa waxaa ka mid noqon kara, markii laysla xisaabtamo. Haddii anigoo musharrax ah, isbeddel doon ah aad igu caawiso codkaaga, oo Soomaalinnimo, walaaltinnimo iyo aqoon igu siisid, balse aadan hadhow igula xisaabtamin codkaaga, noo suurta geli meyso in aan ku wada guuleysanno isbeddel doonkii aan ku hammiyeyney. Balse markaad igula xisaabtanto codkaaga wuxuu anna ii noqon hubkeyga, adna wuxuu kuu noqon difaacaaga.

Cod raadsade iyo cod bixiye waa labo isbeddel doon oo isu baahan. Aana kala maarmin. Midna xooggii buu ku fadhiyaa. Midna tooshkii buu hayaa. Labadaa awood markey is fahmaan, waa marka keliya ee loo dhawaan karo xallinta dhibka naga hortaagan horumarka aan ka mudan nahay bulshadan na marti gelisey.

Isla xisaabtan la`aan horseed xumo ayey leedahay, waana siyaasad qasaartay. Wakhtigu waa in uu noqdaa meel laga xirfad qaato. Xilliga doorashadana waa marka keliya ee tirada iyo tayada ay bulsho leedahay qiimaheed muuqan karto.

W/Q: Ubax Cabdullaahi Adam

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.comm