U bood dhigaalka

Siyaasi Axmed Cali “Dowladda Ayaa Ka Mas’uul Ah Khilaafka Kala Dhaxeeya Puntland” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Axmed Cali Salaad oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey iney mas’uul ka tahay khilaaf uu sheegay inuu kala dhaxeeyo Puntland.

Waxa uu siyaasigan oo la hadlay Goobjoog News uu sheegay in dowladda ay is hortaag ku sameysay maamul goboleedyada si ay heshiisyo ula soo galaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Arrinta ugu weyn ee la isku haysto ayuu sheegay iney tahay khilaafka Khaliijka iyo aragtidii kala duwaneyd ee la qaatay iyo sidoo kale joojinta mahsaarciid ay shirkado imaaraad ah ka wadeyn Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Siyaasigan ayaa dhanka kale ugu baaqay dowladda federaalka ineysan ku degdegin la dagaalista maamul goboleedyada, balse ay ka fekerto danta dalka iyo dadka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News