U bood dhigaalka

Siyaasi Cabdi Shire “Wixii Ka Dhacay Jubbooyinka Dowladda Ayaa Mas’uul Ka Ah”

Sheeko:Dalka

Siyaasi Cabdi Shire oo ka mid ahaa saxiixayaashii Nadeynta Kismaayo, wakiilna u ahaa Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay in wax walba oo ka dhaca gobalada Jubooyinka ay mas’uul ka tahay dowladda Federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu sheegay siyaasigaan in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si gaar ah u taageertay maamulka Jubbaland, islamarkaana aysan isku dayin in la dhaqan geliyo heshiiskii la wada gaaray.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayeey dabacsanaanta ka timid, waxaa la buriyay heshiiskii, madaxweynihii aan ku aaminnay heshiiskii iyo xukuumadii wey ka baxeen, wixii ka dhaca Jubbooyinka dowladda ayaa mas’uul ka ah” ayuu yiri Cabdi Shire.

Sidoo kale siyaasigaan ayaa sheegay in maamulka Jubbaland aanu sharci ahayn, islamarkaana hanaanka uu hadda ku dhisan yahay aanu waxba ka jirin.

Dowladda Soomaaliya ayuu ugu dambeyn siyaasi Cabdi Shire ugu baaqay in ay dib u eegto heshiisyadii la wada gaaray, sidoo kalena ay noqoto mid wax walba dhexdhexaad ka ah.

Goobjoog News