U bood dhigaalka

Siyaasi Cabdi Xaashi “Isbedal Ayuu Keenayaa Shirkii Muqdisho Ugu Soo Dhammaaday Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada”

Sheeko:Dalka

Siyaasi Cabdi Xaashi C/salaan oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in shirkii Muqdisho ugu soo dhammaaday dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada uu wax badan ka bedali karo is faham waagii horey u jiray.

Waxa uu sheegay siyaasigan in waxa hadda la saadaalin karo ay tahay guul iyo sidoo kale bilow wanaagsan oo ku aadan is faham ka dhex dhasha dowladda iyo maamul goboleedyada.

“Waxaan u arkaa in shirkaan uu yahay mid meesha ka saari doono is faham waagii ka dhex jiray dowladda dhexe, heshiiskaan waxaa kamid ah in wax badan laga qabto amniga, Dastuurka iyo arrimo kale oo muhiim ah” ayuu yiri siyaasigan.

Ugu dambeyn Cabdi Xaashi ayaa sheegay in haddii heshiiskan la gaaray loo dhaqangeliyo sidii loogu talogalay uu dalka u horseedi doono isbedal iyo xasilooni.

Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa gaaray heshiis dhowr qodob ka kooban kadib wadahadal dheer oo magaalada Muqdisho ku yeesheen.

Goobjoog News