U bood dhigaalka

Siyaasi Ciise Maxamuud “Dowladda Hadda Jirta Waxbo Ma Dhaanto Dowladihii Hore”

Sheeko:Dalka

Ciise Maxamuud Faarax oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kasoo jeedda Puntland ayaa sheegay in dowladda dhexe ee hadda jirta aysan wax badan ka duwaneyn dowladihii hore ee dalka soo maray.

Ciise, waxa uu tilmaamay in dowladdan ay wax wanaagsan iska dhigeysay muddo Sanad ah, balse sanad kadib ay lasoo baxay dhaqamo uu sheegay in looga bartay dowladihii ka horreeyay.

Faarax ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay rajo aad u wanaagsan ka qabeen in dowladda madaxweyne Farmaajo ay Afar Sano oo isbedal ah la timaado, balse ay niyad jabeen markii ay maqleen mooshinnadan socda.

“Shacabku wey ka niyad jabeen waxa socda, waxay hammi ka lahaayeen in dalkaan uu horumar gaaro, in Afar Sano oo nabad ah la wada qaato, laakiinse mooshinno la mid ah kuwii hore ayaaba socda, dadkuna waxa ay rabeen sidaasi ma ahayn” ayuu yiri Ciise Maxamuud.

Ugu dambeyn, siyaasiga Ciise Maxamuud Faarax ayaa ugu baaqay dowladda federaalka, gaar ahaan xukuumadda iyo golaha shacabka in la xalliyo khilaafka jira, oo shacabka looga faa’ideeyo waqtiga harsan.

Goobjoog News