U bood dhigaalka

Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Oo Aan Tagi Doonin Maxkamadda Racfaanka Ee G/banaadir

Sheeko:Dalka

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Goobjoog News, ayaa sheegaya in maanta oo Arbaco ah aanu maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir tagi doonin siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Lama hubo in maxkamadda ay tagi doonaan qareennada C/raxmaan iyo in kale, balse waxaa naloo xaqiijiyey in shaqsi ahaan aanu C/raxmaan Tagi doonin maxkamadda.

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in maanta dib loo furi doono dhageysiga dacwad loo haysto C/raxmaan Cabdi Shakuur.

December 21, 2017: Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay in C/raxmaan lagu waayey wax dambi ah, islamarkaana uu xor yahay, waxaana sidoo kale maxkamaddu sheegtay inaan dacwaddan wax racfaan ah laga qaadan karin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News