U bood dhigaalka

Siyaasi Darmaan “Dowlad Aan Mucaarad Lahayn Dowladd Ma Ahan”

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Cabdi Nuur Darmaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dowlad aan mucaarad lahayn aysan dowlad ahayn, isaga oo tilmaamay in mucaaradkana laga doonayo iney wax dhisaan.

Waxa uu sheegay Darmaan in madaxweyne Farmaajo aanu xil qaban lahayn haddii aanu dalka mucaarad ka jiri lahayn.

Sidoo kale, Cabdi Nuur Darmaan ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda in dhankooda ay mas’uuliyad is saaraan oo ay maanka ku hayaan in dalkaan dib u dhis u baahan yahay.

“Dowlad aan mucaarad lahayn dowlad ma ahan, haddii aan mucaarad lahayn madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa dowlad ma noqon lahayn, waa lala yaabaa adduunka haddiiba la arko dowlad aan mucaarad lahayn, mucaaradkana waa iney mas’uuliyad is saaraan, dowladana waa in ay mucaaradka soo dhoweyso sababtoo ah wixii kaa maqan ayeey kuu sheegayaan” ayuu yiri Darmaan.

Hadalka Darmaan ayaa imaanaya xilli maalmahan dambe ay xurguf siyaasadeed ka dhaxeysay dowladda Federaala Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Goobjoog News